Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka waddooyinka oo gaadiidka qaar ka macnuucay isticmaalka wadada Maka Al-mukarama

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Gadiidka ka howlgala Caasimadda oo amarro adag laga soo saaray “MUUQAAL”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka Nabad gelyada wadooyinka ayaa maanta faah faahin ka bixiyay shilalka ka dhaca Muqdisho iyo waxyaabaha sababa, iyadoo talisku uu sheegay in shilalku ay bateen, ayna  jiraan gaadid laga mamnuucey isticmaalka waddada maka-al mukarama.

Taliyaha ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali gab) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in laabdii bil ee la soo dhaafay ay shilal dhowr ah dhaceen,

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Shil guud ayaa dhacay, 126, dhimashada waxa ay ahayd shan qof, dhaawac culus 13 qof, dhaawac fudud 49 qof, qasaaraha guud ee gaadiidka waa 237, gaadiidka booliska sideed shil ayay galeen, gaadiidka xoogga dalka  ma jirin shilal ay galeen, kuwa Asluubta sidoo kale shil ma gelin, kuwa Nabad sugidda afar shil ayay galeen, gaadiidka AMISOM labo shil ayay galeen, mootinka caadi ah 12 shil, kuwa bajaajka 46 shil ayay gashay, gaari dameer labo shil, gaari gacan ma jirin wax shil ah” ayuu yiri Taliyaha.

Jeneraal  Cali Xirsi Barre (Cali gaab) ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in talisku uu gaadiidka qaar ka macnuucay isticmaalka waddada Maka Al-Mukarama, waxaana uu sharaxaad ka bixiyay nuucyada gaadiid ee uu talisku ka mamnucay wadadaasi.

“Gaadiidka qaada xamuulka ama kuwa dhagaxa qaada, wadada Maka Al-mukarama waa ka mamnuuc, sida aad ogtihiin digniin ayaa la siiyay, hadii la qabto gaadiid kuwa dhagaxa qaada oo wadada Maka Al-mukarama Isticmaalaya, looma eegayo in uu wato sax naanshiyaha sharciga gaadiidka, sida leesinka, buuga gaariga iyo taargada, ee waxaa lagu ganaaxayaa lacag xoog leh” ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Ciidamada ilaalada Nabad-galyada wadooytinka ee tarafikada ayaa qe yb muuqata ka qata nabadgelyada iyo kala hagida gaadiidka Muqdisho, taasi oo yareyn karta inay bataan shilalka gaadiidka.

 

 

 

Previous Post

R.wasaare Cumar C.rashiid iyo wafdi uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Kismaayo.(Sawirro)

Next Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xafiisyo cusub ka furan doonto goobaha laga saaray Al-Shabaab

Next Post
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xafiisyo cusub ka furan doonto goobaha laga saaray Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xafiisyo cusub ka furan doonto goobaha laga saaray Al-Shabaab

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In