Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 60aad ee ku sugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ayaa soo bandhigay Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab oo isku soo dhiibey ciidanka.
Abshir wuxuu Nabadiidka Al-Shabaab ku jirey mudo kudhow labo sano, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Xisbiyada , isagoo sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Argagixisada ka soo baxo ay tahay dhibaatada iyo go’odoonka ay shacabka ku hayaan Nabadiidka Al-Shabaab .
Wuxuuna Baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku jira maleeshiyada Al-Shabaab in ay isaga soo tagaan ay isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda, si ay helaan mustaqbal wanaagsan.