Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliiska Oo Ku Baaqay In Laga Wada Qeyb Qaato Dhaqan Gelinta Bandowga Caawa Muqdisho Ka Bilaabmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa caawa ku celiyay in magaalada Muqdisho uu ka dhaqan gelayo bandow qayb ka ah xakameynta faafitaanka cudurka qatarta badan ee COVID-19.

Taliyaha booliska oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa shacabka xusuusiyay in caawa ay tahay habeenkii uu bilaabanaya bandowga, kaasi oo saameyn doona isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo xarumaha kale.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan doonayaa in aan mar kale ku wargeliyo shacabka Soomaaliyeed, in uu dhaqangalka bandowgu uu bilaabanayo caawa 8:00 haddii Alle idmo, sidaas darteed waxaan muwaadiniinta sharafta leh fareynaa in ay u hoggaansamaan”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.

Taliyaha ayaa amray in ciidamada amniga ay xaqiijiyaan dhaqan galka bandowga, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus..

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in uusan bandowga saameyn doonin, xarumaha caafimaadka, goobaha lagu iibiyo raashinka qalalan iyo saxafiyiinta oo uu sheegay inay Ummadda u hayaan shaqooyin muhiim ah. Isagoo ciidanka ka dalbaday inay caawiyaan bukaanada xanuun ee doonaya in la geeyo goobaha caafimaadka.

 

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka oo war ka soo saartay askar lagu eedeeyay fal kufsi

Next Post

Dowladda Oo Xaqiijisay Inay Bukaanno Kale u Geeriyoodeen Cudurka COVID-19

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Dowladda Oo Xaqiijisay Inay Bukaanno Kale u Geeriyoodeen Cudurka COVID-19

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In