Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Dooxa ee caasimadda Dalka Qatar ayaa shir muhim ah uga qeybgalay dalkaasi Qatar,isagoo sidoo kale kulamo la yeeshey madaxda sare iyo saraakiisha dalkaasi.
Sida uu Wakaaladda Wararka (SONNA) uu u sheegay S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed,wuxuu ka qeybgalay shirka taliyeyaasha ciidamada booliiska dalalka Carabta oo Soomaaliya ay kujirto,waxaan ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen wadashaqeynta talisyada booliiska wadamada Carabta.
Dhanka kale shirkaasi waxaa qeyb ka ahaa ciyaartooy ka kala socotay ciidamada booliiska wadamada kaladuwan ee carabta,kuwaasi oo ka qeybgalay tartamo kaladuwan oosoomaaliyana koxdii ka socotay ciidanka booliiska ay kaalin wanaagsan ka galeen.
“Waxaan la kulanay wasiirka arrimaha gudaha ahna raiisul wasaaraha dalka Qatar, Al-sheekh Abdalla Bin Nasir Bin khaliifa Aala-Taani oo si rasmi ah u furay shiirka taliyeyaasha iyo cayaartooydii ka socotay wadamada carabta ciidamadoodi booliiska,aniga iyo 6 ciyaartooy ah oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaan ka qeybgalnay shirka taliyeyaasha ciidamada booliiska Dalalka Carabta,kaalin fiican ayayna taratanka ka galnay”. Ayuu yiri taliye Xijaar oo la hadlay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).
Tartankan oo inta badan u dhexeeya ciyaartooyda kujirta ciidamada booliiska dalalka Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa lagu soo bandhigaa noocyo kaladuwan ee ciyaaraha sida Oradka,kubadda cagta iyo kuwo kale,waana markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeybgasho tartanka nuucaasi ah.
Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa dadaal xooggan ugu jiraa sidii horumar looga sameyn lahaa xiriirka wada shaqeeneed iyo midka iskaashi ee uu kala dhexeeyo talisyada kaladuwan ee ciidamada booliiska wadamada Carabta.