Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday  Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kampala.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo uu wehliyo Taliye xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise iyo wafdi la socdo oo maalmahan safar shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa maanta soo booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ku leedahay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur oo safaaradda kusoo dhaweeyay ayaa uga warbixiyay wafdiga sida ay diblumaasiyiinta safaaradda ugu shaqeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo marxalahii ay soo martay safaaradda ilaan1973 oo ahayd markii safaaradda la furay

Siihayaha ayaa sidoo kale taliyaha iyo taliye xigeenka u sharaxay qaabka ay safaaradda u shaqeyso iyo howlaha ay u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, waxa uuna siihayaha sheegay in hada safaaradda shaqo fiican u hayso.

Dhankiisa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka mahadnaqay sida safaaradda loogu soo dhaweeyay, isagoo sheegay in laga shaqeeyo safaaradda sidii muuqaalkaada loo sii qurxin lahaa.

Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale madaxda ku amaanay hoosha fiican ay u haayaan shacabkooda Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska, Taliye xigeenka Ciidanka Xooga wafdiga la socda ayaa maalinta bari ah shir uga furmi doonaa magaalada Kampala oo kasoo qayb galayaan taliyaasha hay’adaha amniga ee dalalka Afrika.

Previous Post

Wasiirka Dastuurka oo guddoomiyay shir u dhaxeeyay UN-ka iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda

Next Post

Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Next Post
Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In