Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir muhiim ah oo Austria lagu qabtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir muhiim ah oo Austria lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay shirar heer caalami ah oo uu dalka dibadiisa uga qeyb galay.

Taliyaha ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cabdkariin Cali Afrax iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dalka Austria uu uga qeybgalay shir looga hadlayay  horumarinta xabsiyada iyo xagjirnimada ayna ka soo qeyb galeen Wakiilo ka socday  beesha caalamka.

“Shirka waxaan ka jeediyay xaaladda ay ku suganyihiin xabsiyada Soomaalida, caqabadaha naga heysta xagga qalabka, baahida aan u qabno in aan helno tababbaro iyo nagala saacido sida maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay beri ku shaqeysan karaan, waxana rajeyneynaa inay wax wanaagsan nooga soo baxaan” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xusay intii uu ku sugnaa dalka Austria uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka oo uu kala hadlay sidii ay tababbaro u siin lahaayeen ciidanka Asluubta, maadaama ay kolkii hore ay gacan ka geysan jireen caawinta ciidanka Asluubta, isagoo intaa ku daray in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay wakiilada dowladihii shirka ka qeyb galay.

Previous Post

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga saxaafadda

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In