Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir muhiim ah oo Austria lagu qabtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir muhiim ah oo Austria lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay shirar heer caalami ah oo uu dalka dibadiisa uga qeyb galay.

Taliyaha ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cabdkariin Cali Afrax iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dalka Austria uu uga qeybgalay shir looga hadlayay  horumarinta xabsiyada iyo xagjirnimada ayna ka soo qeyb galeen Wakiilo ka socday  beesha caalamka.

“Shirka waxaan ka jeediyay xaaladda ay ku suganyihiin xabsiyada Soomaalida, caqabadaha naga heysta xagga qalabka, baahida aan u qabno in aan helno tababbaro iyo nagala saacido sida maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay beri ku shaqeysan karaan, waxana rajeyneynaa inay wax wanaagsan nooga soo baxaan” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xusay intii uu ku sugnaa dalka Austria uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka oo uu kala hadlay sidii ay tababbaro u siin lahaayeen ciidanka Asluubta, maadaama ay kolkii hore ay gacan ka geysan jireen caawinta ciidanka Asluubta, isagoo intaa ku daray in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay wakiilada dowladihii shirka ka qeyb galay.

Previous Post

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga saxaafadda

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In