Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Maareeyaha Maamulka Guud oo kormeeray howlaha shqo ee Garoonka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dib loo furayo duulimaadyada gudaha bilawga todobaadka soo socdo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoomada Soomaaliya oo kormeeray goobaha ay ka howlgalaan ee Garoonka ayaa kula Dardaarmay in ay sii laba laabaan Sugidda Amniga Garoonka.

Ciidamada Booliiska ee ka howlgala gudaha iyo banaanka iyo irridda hore ee laga soo galo garoonka ayaa qeyb weyn ka qaata howlaha lagu sugayo amniga gaar ahaan barista gaadiidka rakaabka, dadka howlaha ganacsiga iyo hay’addaha kale ee howl-maalmeedkooda caadiga ah u taga Garoonka Aadan Cadde.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

Booliska oo kaashanaya hubin feejigan oo taxadir leh ayaa u guta howshooda si waafaqsan shuruucda suggidda amniga iyo illaalinta ee kumanaan ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo maalin kasta ka dhoofa garoonka ama ka soo degaya.

Booliiska ayaa waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay illaalinta shacabka amniga gudaha waxaadna ka dareemi kartaa ama aad ku arkeysaa in ay yihiin kuwa si ilbaxnimo, waayo aragnimo iyo xilkas ula macaamilaya muwaadiniinta Soomaaliyeed mansabkasta oo ay leeyihiin.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Garoonka Aadan Cadde Cabdifataax Bashiir Cali oo uu wehliyo Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoomada Soomaaliya Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ku dadaalaan cabsida Alle, iyo xaqdhowrka muwaadiniinta ay shaqooyinka u hayaan.

Garoonka oo ka kooban qeybo badan oo ay ka mid yihiin dhoofka safarada gudaha, (local departure), imaanshaha safarada gudaha, dhoofka safarada caalamka, (international departure), iyo imaanshaha safarada caalamka (international Arrival), intaba waxaa ka howl gala booliska Soomaaliyeed oo suga amniga dadka islamarkaana qabta cidii la tuhmo.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo u digay dadka caqabada Ku ah danta guud

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabilay Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabilay Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo qaabilay Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug “SAWIRRO”

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In