Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo aqoon isweydaarsi uu soo xiray saraakiil boolis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo aqoon isweydaarsi uu soo xiray saraakiil boolis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta Muqdisho ugu soo gabo gabeeyay saraakiil ka socotay maamul goboleedyada dalka aqoon isweedaarsi ku saabsan doorka booliska ee wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada Dalka.

Aqoon isweedaarsi ku saabsan doorka booliska ee Federaalka iyo wada shaqeynta dhinaca ammaanka oo 27-kii bishan ka furmay Muqdisho ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo wada shaqeynta ka dhexeyso saraakiisha ciidanka booliska kuwa Maamul goboleedyada iyo saraakiisha kale ee dowladda Federaalka ah, iyadoo Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo taliyayaasha Maamul goboleedyada Dalka ay isla soo hadal qaadeen hanaanka ugu wanaagsan oo ay u wada shaqeyn karaan Booliska heer maamul ilaa iyo heer Qaran.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xassan Xaamud ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigan uu yahay mid lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidanka booliska meelkasta oo ay ka howlgalaan.

“Waxaa Sharaf noo ahayd in aan isugu yeerno saraakiishaan, waa markii labaad ee aan kulano hadda waa is tusnay hanaanka aan u wada shaqeyn karno boolis ahaan, maadaama uu wadanka u gudbayo nidaamka federaalka ah, waana isla fahanay sidii arrimahaasi loo xoojin lahaa.”ayuu yiri Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Taliyaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabihii aqoon isweydaarsiga la isku dhaafsaday, ayna joogteyn doonaan kulamada nuucaani oo kale ah ee lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidanka booliska heer Maamul goboleed iyo mid federaal.

BH0A4922 BH0A4925 BH0A4927  BH0A4931 BH0A4933 BH0A4934 BH0A4936 BH0A4938 BH0A4940 BH0A4948 BH0A4952 BH0A4956 BH0A4961 BH0A4964  BH0A4968  BH0A4971 BH0A4973 BH0A4975 BH0A4976 BH0A4977

 

Sawir Qaade:- Abuukar Maxamed

 

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi kula kulmay Bankiga horumarinta Africa “Sawirro”

Next Post

Maamulka degmada Xamar weyne oo ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda degmada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka degmada Xamar weyne oo ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda degmada “SAWIRRO”

Maamulka degmada Xamar weyne oo ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda degmada “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In