Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo ka qeyb galay saagootin loo sameeyay ciidamo AMISOM “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo ka qeyb galay saagootin loo sameeyay ciidamo AMISOM “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliska Somaaliyeed iyo ergeyga Midowga Africa u qaabilsan Somaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu sagootinayay cutub ka tirsan ciidanka Booliska Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaasi oo lagu wado in dib loogu celiyo dalkooda.

Munaasababadda lagu sagootinayay ciidamo ka tirsan kuwa booliska AMISOM ayaa waxaa lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, halkaasi oo ay ciidanku ku soo bandhigeen dhoolatus ku aadan sida looga hortago rabshadaha ka dhanka ah amniga.

Related posts

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sidikou ayaa sheegay in ciidanka booliska AMISOM ay wax badan ka qabteen amniga Muqdisho, iyaga oo kaashanaya dhigooda booliska Soomaaliya.

“Waa munaasabad nagu weyn, tani waxa ay qeyb ka tahay howlgalka AMISOM, aniga waan ku fanaayaa howlaha ciidanka booliska ay ka wadaan gudaha Muqdisho, waxaa la gaaray waqtigii uu qof waliba idin dhihi lahaa waxaad gudateen waajibaadkii la idin idmaday,waxaana muujiseen howlkarnimo iyo wada shaqeyn buuxa oo aad la yeelateen ciidanka booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Danjire Maman Sidiku.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sagootinta ciidanka loo sameynayo, isagoo xusay in iskaashiga dhex maray ciidanka boliska iyo kuwa AMISOM ay wax badan ka qabteen xaaladda amni ee dalka.

“Ciidanka booliska AMISOM waxaan uga mahadcelineynaa sida ay ula shaqeeyeen ciidanka booliska Soomaaliyeed, runtii dowlada iyo shacabka way xasuusan doonaa doorka Booliska AMISOM ay ka qaateen amniga magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya.

Ciidamada booliska ee xafladda sagootinta ah loo sameeyay ayaa qaarkood la guddoonsiiyay shahaado sharaf ku aadan howlaha amni ee dalka.

vlcsnap-2015-08-01-12h07m51s58 vlcsnap-2015-08-01-12h08m06s207 vlcsnap-2015-08-01-12h08m12s12 vlcsnap-2015-08-01-12h08m44s81 vlcsnap-2015-08-01-12h09m07s49 vlcsnap-2015-08-01-12h09m13s113 vlcsnap-2015-08-01-12h09m20s179 vlcsnap-2015-08-01-12h09m29s12 vlcsnap-2015-08-01-12h10m06s130 vlcsnap-2015-08-01-12h10m27s81 vlcsnap-2015-08-01-12h10m32s128 vlcsnap-2015-08-01-12h10m44s254 vlcsnap-2015-08-01-12h10m51s62 vlcsnap-2015-08-01-12h11m01s165 vlcsnap-2015-08-01-12h11m41s55 vlcsnap-2015-08-01-12h11m51s153 vlcsnap-2015-08-01-12h12m16s148 vlcsnap-2015-08-01-12h12m32s51 vlcsnap-2015-08-01-12h12m36s94 vlcsnap-2015-08-01-12h12m44s174 vlcsnap-2015-08-01-12h13m06s140 vlcsnap-2015-08-01-12h13m11s183 vlcsnap-2015-08-01-12h13m22s38 vlcsnap-2015-08-01-12h13m37s193 vlcsnap-2015-08-01-12h14m14s52 vlcsnap-2015-08-01-12h15m21s206 vlcsnap-2015-08-01-12h16m11s190 vlcsnap-2015-08-01-12h16m17s0 vlcsnap-2015-08-01-12h16m37s199 vlcsnap-2015-08-01-12h17m07s245 vlcsnap-2015-08-01-12h18m53s23 vlcsnap-2015-08-01-12h19m31s142 vlcsnap-2015-08-01-12h27m01s10 vlcsnap-2015-08-01-12h27m04s73 vlcsnap-2015-08-01-14h10m20s78

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda oo loogu baaqay in gurmad ay fudiso dadka ku nool goobaha laga saaray Shabaab “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda oo loogu baaqay in gurmad ay fudiso dadka ku nool goobaha laga saaray Shabaab “SAWIRRO”

Dowladda oo loogu baaqay in gurmad ay fudiso dadka ku nool goobaha laga saaray Shabaab “SAWIRRO”

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In