Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo ku baaqay in shacabka ay garab istaagaan ciidamada amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ugu baaqay bulshada inay garab istaagaan ciidanka amniga si cadowga looga adkaado, lagana ciribtiro meelkasta oo ay kaga dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab gudaha dalka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)

Taliyaha oo ka hadlayay isu soo bax ka dhan ah falkii 28-ka December ee sanadkii tegay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, halkaasi oo ay shacab fara badan iyo ciidan boolis ah ku xasuuqeen ayaa shacabka ka dalbaday inay garab istaagaan ciidanka amniga.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan u caddeynayaa in dalkan uu yahay dalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad ka qeyb qaadataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo aad ku garab istaagtaan ciidanka maskax iyo maal intuba, runtii dalkan duulaan baa lagu yahay, marka waa inaan is garabsanaa oo aan hal meel uga soo wada jeesannaa argagixisada maatada laayneysa”” ayuu yiri Taliyaha ciidanka.

Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa tilmaamay in dhagarqabayaashu ay ku dhex dhuumaaleysanayaan shacabka, bulshadana looga baahanyahay inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si cadowga looga adkaado.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka degmooyinka Gobolka Banaadir degan inay la shaqeeyaan ciidamada, Dalkaaga qof kale haku haleyn, sida aad uga fekereyso gurigaaga ee aad ka soo toostay isna uga feker dalkaaga oo aan gacmaha is qabsano oo la shaqeyno ciidamada, si loo guud ahaan dalka looga sifeeyo Al-Shabaab’ ayuu yiri hadalkiisa ku daray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya.

Previous Post

Batuulo Sh. Axmed Gaballe “Oohin dambe iyo calaal dambe waa naga dhamaaday, waxaan diyaar u nahay inaan ciidamada qalabka sida safka hore la galno”

Next Post

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga

Next Post
Isu soo bax ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In