Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka ay ku leeyihiin Magaaladda Baardheere “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerkaan oo ahaa Mid uu Ugu Guurgalayay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Xaalada Ciidamada Qalabka sida ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa waxaa ku Wehliyey  Sarakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Maxkamada Ciidamada, Saraakisha Qaybta 43aad ee Degaanada Jubooyinka Iyo Gedo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS iyo Xeer Ilaalinta Maxakamadda Ciidamada ayaa halkaasi kula hadlay Ciidanka Ururka 49aad Guutada 10aad ee Qeybta 43aad XDS, waxaana uu ku bogaadiyey halgamadii dheeraa ee Degaanadaasi Ay uga Xoreeyeen Argagixisada, una sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga dalka Uu Qorshaha ugu jiro Garab istaaga Ururka 49aad.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Taliyaha Guutada 10aad G/sare Maxamed Cadow Cali iyo Taliyaha Qaybta 43aad S/guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa ugu horayn Taliyaha iyo Sarakiisha la socday Warbixin ka Siiyay Xaaladda Ciidanka.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamid Maxamed Dirir ayaa Ciidanka Kula Dar dardaarmay in sii laba jibaaraan Howlgalada ay ku baacsanayaan Cadowga, islamarkaana ay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada ay ku dhuumanayaan Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS iyo Sarakiisha La socday ayaa waxaa ay Kormeer ku tageen Dugsiga Tababarka Ciidamada Qalabka Sida ee magaaladda Baardheere oo ay ku jiraan Ciidamo loo diyaarinayo Xoraynta Degaanada ka maqan Gacanta Dawladda, waxaana Taliyaha uu Ciidamadaan u sheegay in ay helayaan Xaquuqda ay ku leeyihiin Qaranka, ayna ka warqabayaan.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qorsho-howleedkeeda ku soo bandhigtay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay+Sawirro

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Wuhan ee cudarku ka dilaacay

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Wuhan ee cudarku ka dilaacay

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka warbixiyay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka Wuhan ee cudarku ka dilaacay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In