Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka XD ee 12-ka April oo xusay in ciidanku ay u taaganyihiin difaacidda Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale ayaa kormeerey saldhigyada ciidanka xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Raaga Ceelle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo dhawaan ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen.

Jenaraal Maxamed Maxamuud Saneey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in deegaanka ay u adeen howlo shaqo oo uu ugu kuurgalayay xaalada guud ee deegaanka Raage Ceelle, waxaana uu bogaadin u jeediyay ciidanka xoogga dalka sida ay isaga caabiyeen weerarkii dhawaan lagu soo qaaday deegaanka Raage Ceelle.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

“Runtii waxaan bogaadinayaa guulaha ay ciidamada xoogga dalka ka so hooyeen weerarkii dhawaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Raaga Ceelle, qasaar xoogan ayaa loo geystay 21 ayaa lagaga dilay kooxda Shabaab ee weerarka soo qaaday, dhankeena afar ayaa dhimatay shankalena dhaawac ayaa soo gaartay, in uu Alle bogsiiyo ayaan u rajeynayaa” ayuu yirii Taliyaha 12-ka April

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay markasta ka go’antahay xaqiijinta amniga deegaannada ay ku suganyihiin iyo difaacidda Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu shacabka ka codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada, si looga hortagi dhagarta ay maleegayaan kooxda Shabaab.

Previous Post

Admiral Faarax Qare oo  ka hadlay biyaha ay Kenya dooneyso inay sharci darro ku qaadato “Dhageyso”

Next Post

Ramadaanka iyo daadinta dhiigga muslimiinta- DHAGAYSO

Next Post
Ramadaanka iyo daadinta dhiigga muslimiinta- DHAGAYSO

Ramadaanka iyo daadinta dhiigga muslimiinta- DHAGAYSO

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In