Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maalinta Berri ah u dabaal degaya Sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay.
“Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo Maalinta berri ah u dabaal degaya Sanadguurada 59-aad ee Aaskooda” ayuu yiri Gen. Indha-Qarshe
Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe ayaa Xusay in lagu hoolan yahay siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Taliska Ciidanka Cirka, isaggoo xusay in Ciidankaasi Muddooyinkii Dambe ay kusoo biireen Saraakiil dhalinyaro ah oo Aqoon leh.
Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas-aasay 14 Febraayo Sanadkii 1960, Waxaana sanadkaan ay u dabaal degayaan Sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay.