Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka xooga dalka jeneraal Odawaa Yusuf Raage oo tababar u soo xiray cotob ka tirsan ciidanka Danab

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka xooga dalka jeneraal Odawaa Yusuf Raage oo tababar u soo xiray cotob ka tirsan ciidanka Danab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo lagu qabtay Xerada Ciidanka Kumaandoos Danab Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sare Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Dalka ee Danab loogu soo xeray tababar in mudo ay Xerada Bilidoogle ku qaadanayay kaasi oo ay bixinayeen Macalimiin ka tirsan Kumaandooska Danab waxaana Gacan ka geysanayay Dowlada Mareykanka.

Ugu horey Taliyaha Ciidanka Xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan Kumaandooska Danab.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Intii Munaasabada ay socotay ciidanka Kumaandooska ayaa waxaa ay soo badhigeen dhoola tus heerkiisu sareeyo kaasoo ay ka mid ahaayeen habka Cadawga loo bartimaameysto iyo Difaacul Nafsiaga iyo sidoo kale Dab-rid ay ka muuqato Xifrad Sare.

Madaxda Ciidan oo uu ugu horeeyo General Odawaa ayaa u riyaaqay Dhoola tuskan ay soo bandhigeen Ciidanka Kumaandooska Dalka ee Danab.

Madaxa Hogaanka Tababarda iyo Wacyi gelinta xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Axmed Ciise Axmed oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraaday tababarkan iyo nuuciisa waxuuna yiri “Ciidanka Danab waa ciidan loogu talo galay in aqoonta gaarka ah ee la siinayo iyo Tababarka Adag in ay ku garab istaagaan kuna badbaadiyaan Umadooda islamarkaana ku caawiyaan Ciidamadooda kale”.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto General Adawaa Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadan Danab ee Tababarka u soo dhamaaday ay ka qeyb qaadan doonaan Howlgalada Umadda Soomaaliyeed looga dul qaadayo Dhibaatada Argagixisada Alshabaab waxuuna yiri.

“Tababarka aad qaadateen ee aad halkan ku soo bandhigteen oo qeybo kala gadisan isugu jiray oo runtii la dhihi karo waa wax aad iyo aad inoo farax galiyay guud ahaan marka waxaa na hortaalo Howl badan waxaana na sugaayo Umadda Soomaaliyeed oo marxalado kala duwan soo martay waxayna ku rajo weyn yihiin in meelaha Cadawga wali joogo in aad u timaadaan oo gacmihiin ugu dal qaadaan adinkoo kaashanaayo Allah”.

Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa guud ahaan Dalka Intiisa badan ka wada howlgalo lagu baacsanayo Haraadiga Maleeshiyaadka Alshabaab iyadoona Ciidanka Danab ay kaali lixaad leh ku leeyihiin howlgaladaasi.

Previous Post

Ciidanka Itoobiya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub farabadan.

Next Post

Dowlad Goboleedka Puntland oo faahfaahin ka bixisay shilkii diyaaradeed ee Air Jabiti.

Next Post
Dowlad Goboleedka Puntland oo faahfaahin ka bixisay shilkii diyaaradeed ee Air Jabiti.

Dowlad Goboleedka Puntland oo faahfaahin ka bixisay shilkii diyaaradeed ee Air Jabiti.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In