Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse ayaa u hambalyeyey Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah 10-02-1965-kii.
“Waxaan u Hambalyeynayaa Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 54aad ee Ciidanka badda” ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe
Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kli.