Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub saldhiga booliska deegaanka Garjiir oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO:

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha cusub saldhiga booliska deegaanka Garjiir oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO:
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saldhiga  deegaanka Garijir oo ka mid ah Saldhigyada ugu muhiimsan ciidamada Federaalka ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan qaybna ka ah Degmada Matabaan ayaa haatan isbadal balaaran lagu sameeyay, waxaana la kordhiyay tirada ciidanka Booliiska ee ka howlgala, iyadoo loo magacaabay saraakiil cusub oo badala kuwii horay u shaqeynayay .

Taliyihii hore ee Saldhiga Garijir Labo Xidigle Maxamed Maxamuud Seeraar ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Taliyaha cusub ee Dhowaan loo magacaabay Saldhigan Labo Xidigle Cabdullaahi Aadan Cumar  waxaana munaasabadan goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed , Saraakiil ka tirsan NISA iyo maamulka Deegaanka

Related posts

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026

Labada sarkaal ee xilalka kukala wareegay ayaa kula wada dardaarmay ciidamada sii wadista waajibka saaran iyo in ay sii laba jibaaraan shaqada, maadaama ay ka howlgalayaan deegaan muhiim u ah isku socodka labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya .

Guddoomiyaha Garijir Cabdinuur Macalin Axmed ayaa u sheegay Taliska cusub in ay kala shaqeynayaan howlaha amniga  ee horay u socday

Gaashaanle Galad Maxamuud Qayliye oo ka tirsan saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed iyo dhamme Cabdifitaax Maxamed Jaamac Fooneeye Taliyaha Saldhiga booliiska Matabaan ayaa ugu dambeyn dar daaran u jeediyay ciidamada iyo saraakiisha halkaas ka howlgala .

Garijir ayaa xuduud beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya u jirta in ku dhow 40km, waxaana mara gaadiidka ganacsi ee isaga gudba labada dal xili dhamaan ciidamada ku sugan xuduudaha lafaray in ay muujiyaan foojignaan lagu ilaalinayo faafida cudurka COVID19 .

Nuur Cadde

Previous Post

Beeraleyda Jowhar oo wal-wal ka qaba suuq la’aan inuu ku dhaco wax soo saarkooda “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in la helay 9 kiis oo cusub oo la xiriirta COVID-19

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo warbixin ka soo saartay baaritaan xaqiijineedka ee cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in la helay 9 kiis oo cusub oo la xiriirta COVID-19

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In