Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Guutada 7aad qeybta 60aad ee CXD oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Guutada 7aad qeybta 60aad ee CXD oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Taliska guutada 7aad ee ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, iyadoo munaasabadda xil wareejinta ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo marti sharaf kale.

Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) Taliyihii hore ee guutada 7aad qeybta 60aad ee ciidanka oo xilka wareejiyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo u rajeeyay Taliyaha cusub in uu howsha halkiisa ka sii wado.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar ayaa balan qaaday in uu dar dargelin doono howsha loo igmaday ee horyaalla, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay u diyaar garoobaan sidii argagixisada Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo horey xilal ciidan oo kala duwan u soo qabtay dowladda ayaa looga fadhiyaa in uu xoojiyo doorka uga aadan xoreynta goobaha Al-Shabaab ay kaga dhuumaaleysanayaan degaannada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Previous Post

Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyay in uu guul ku soo dhamaaday shir uu uga qeyb galay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In