Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Guutada 7aad qeybta 60aad ee CXD oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Guutada 7aad qeybta 60aad ee CXD oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Taliska guutada 7aad ee ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, iyadoo munaasabadda xil wareejinta ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo marti sharaf kale.

Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) Taliyihii hore ee guutada 7aad qeybta 60aad ee ciidanka oo xilka wareejiyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo u rajeeyay Taliyaha cusub in uu howsha halkiisa ka sii wado.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar ayaa balan qaaday in uu dar dargelin doono howsha loo igmaday ee horyaalla, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay u diyaar garoobaan sidii argagixisada Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaashaanle Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo horey xilal ciidan oo kala duwan u soo qabtay dowladda ayaa looga fadhiyaa in uu xoojiyo doorka uga aadan xoreynta goobaha Al-Shabaab ay kaga dhuumaaleysanayaan degaannada Gobolka Shabeelaha Hoose.

Previous Post

Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyay in uu guul ku soo dhamaaday shir uu uga qeyb galay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In