Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha iyo abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka oo xilka la wareegay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad oo ay xilka kula wareegayeen taliyaha iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana uu ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka, qaar kamid ah danjireyaasha dowladaha caalamka u fadhiya dalka, taliyeyaasha ciidamada booliska iyo Nabad sugidda Qaranka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Ra’iisul Mudane Cumar Cabdirashiid iyo mas’uuliyiintii la socday ayaa markii ay gaareen xarunta gaashaandhigga waxa ay salaam sharaf kaqaateen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana intaasi kaddib munaasabadda fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xoogga ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Abaanduuliyii hore ee ciidanka xoogga Dalka Sareeyo guuto Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ka sheekeeynayay waxybihii u qabsoomey mudadii ay hayeen xilka ayaa xusay inay wax ka qabteen dib u habeynta ciidanka oo ay guddi u saareen tirikoobka ciidanka iyo sixidda darajada saraakiisha ciidanka xoogga dalka

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen gacan ku heynta deeganno badan oo ay horey bulshada ugu dhibaateyn jireen kooxda UGUS, isagoo guulaha ciidanka ay gaareen ay bogaadiyeen.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha ciidanka Sareeyo Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa balan qaaday in howsha loo idmaday ay halkeeda ka sii wadi doonaan, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo oo gacan lagu siiyo waajibaadka loo idmaday.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa ku amaanay taliyihii hore iyo abaanduulihiisa waxyaabaha ay ka qabteen ciidanka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ugu dambeyntii goobta hadal kooban jeediyay ayaa kula dar daarmay hogaanka cusub ee ciidanka xooga dalka inay si hagaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka oo soo bandhigay wadayaal Bajaaj oo aan heysan leysin

Next Post
Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka oo soo bandhigay wadayaal Bajaaj oo aan heysan leysin

Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka oo soo bandhigay wadayaal Bajaaj oo aan heysan leysin

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In