Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Qeybta 21aad ee C.X.D.S Oo Kormeeray Xeryaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Mudug ‘SAWIRO’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Qeybta 21aad ee C.X.D.S Oo Kormeeray Xeryaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Mudug ‘SAWIRO’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Cabdullaahi Aadan Xuseen oo ay  wahliyeen Abaanduulaha Qeybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl C/raxmaan Warsame Garabeey iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska qeybta 21aad oo mudooyinkaaba waday dadaalo lagu dar dargalinayo qorshayaasha ciidamada xooga dalka ee ku  aadan difaaca dalka iyo sidii haraadiga kooxda naf la caarigaa ee Al shabaab looga xoreeyn lahaa deegaanada fara ku tiriskaa ee ay uga dhuumaleysanayaan gobalada dalka qaarkood ayaa kormeer ku tagay xerada ururka 57aad  Gaaska 11aad ee qeybta 21aad C.X.D.S ee  Indhaqaris oo ku taala duleedka deegaanka Docol ee hoostaga Dagmada Galkaacyo ee Gobalka Mudug, halkaasi oo ku sugan yahiin ciidamada ka tirsan kuwa
xoogga soomaaliyeed

Janaraal C/laahi Aadan Xuseen (Cirro ayaana markii ay gaareen xeradaasi la hadlay ciidamadii iyo saraakiishii xerada ku sugnaa waxaana uu ku booriyay in looga fadhiyo sidii dalka ay uga xoreyn lahayeen cadowga soomaaliyeed iyo midka shisheeye.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

(Marka maanta waxaan filayaa isa sixidii ugu danbeysay inaan idinkugu imid, Cadawga inaan aadno mar hore ayey aheyd, laakiin nasiib daro
afar sano qeybtaani ma helin wax horumarin ah, balse waxaan rajeynaynaa dowladda cusub ma aragno waxaan hadda ku dhaliilno, saas darteed anagana waxaa nalaga rabaa inaan gudano waajibaadka nalooga fadhiyo waayo waxa nala siinayo haddii inta layska qaato la jiifanayo kuwa kaamamka ku jira ayaa la siin lahaa” S/Guuto C/laahi Aadan Xuseen (Cirro)

Taliyaha Qeybta 21aad C.X.D. Janaraal C/laahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa asagoo hadalkiisa sii wata sheegay in askari kasta oo ka tirsan
ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 21aad lala xisaabtami doono, isla markaana aysan dhici doonin in inta la siiyo
mushaaraadkiisa iyo xuquuqda kale ee ciidan ee uu leeyahay in uu gudan waayo waajibaadka Qaran ee xaqqa loogu leeyahay.

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi Mushaaraadkoodii loogu qeybiyay ilaa ku dhawaad 300 saddax boqal oo askari oo ka tirsan ururka 57aad Gaaska 11aad ee Qeybta 21aad C.X.D.  kuwaasi oo kusoo xaadiray xarunta ururka oo ku taala duleedka deegaanka Docol ee Dagmada Galkacyo ee Gobalka Mudug.

Waa marki u horeysay oo ay taliyaha cusub ee qeybta 21aad C.X.D.S Jenaraal C/llaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ay wehliyaan Abaanduulaha
21aad C.X.D.S korneyl C/raxmaan Warsame (Garabeey) iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo gaaraan xeryaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Ku yaala Gobalka Mudug tan iyo markii dhawaan loo magacaabay Taliyaha Qeybta 21aad C.X.D.S

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacy

 

Previous Post

Wargelin Ku Socota Akhristayaasha Webka Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In