Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Xoogga oo dhagax dhigay qeybo cusub ee Taliska guud Qaybta 21-aad+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Xoogga oo dhagax dhigay qeybo cusub ee Taliska guud Qaybta 21-aad+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka sareeye Guuto  Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada Galmudug  ayaa Dhagax dhigey Qaybo ka mid ah Dhismaha xarunta Taliska guud ee Qaybta 21-aad oo fadhigeedu yahay Magaalada Dhuusamareeb , Taliyaha Qaybta 21-aad Generaal C/casiis C/laahi Cabdi Qooje iyo Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa ka qayb galey munaasabada dhagax dhiga Guriga Taliyaha Qaybta iyo kan Taliye Xigeenka oo ka mid ah dhismayaasha ugu muhiimsan Taliska Qaybta .

Hirgalinta qaybahan cusub ee ku Biiraya xarumaha Shaqeynaya ee Qaybta ayaa ahmiyad gaar ah u leh Taliska waxaana dib u dhiska qaybahan muhiimka ah ee Xarunta Qaybta 21-aad ka mahad Celiyay Taliyaha Qaybta  General C/casiis C/laahi “Qooje” .

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa Balanqaaday ka Maamul ahaan in ay gacan ku siin doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Dhismaha Xarumahan waxa uuna Digniin u diray Dadka isku daya in ay dagaan Xarumaha Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Muhiimada Xeryaha Ciidamada Xoogga ee ku yaala Magaalada Dhuusamareeb ayaa Balanqaaday in Dhismaha Xarumahan Cusub uu bilaaw u noqonayo In dib loo wada dhiso Guud ahaan Xeryaha Kale .

Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhusamareb oo horay dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyey ayaa kadib dhismaha Guriyahan Cusub u gudbi doonta dib usoo celinta Xeryaha kale ee burbursan iyo kuwa ku jira gacmaha aan aheyn Kuwa Xoogga waxaana dhagax dhigan kadib taliyaha Xoogga uu kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha kale sida Xerada Gaadiidka Ciidamada.

Previous Post

Allah ha naxasriiste waxaa xalay muqdisho ku geeriyooday Cabdi Tahliil Warsame

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay geeridii ku timid allah ha u naxariistee Cabdi Tahliil warsame

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay geeridii ku timid allah ha u naxariistee Cabdi Tahliil warsame

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay geeridii ku timid allah ha u naxariistee Cabdi Tahliil warsame

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In