Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Indho Qarshe oo sheegay in Ciidanka Xoogga ay ku guuleysteen inay deegaano badan ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee xilka ka sii dagayo Sareeye Guud Daahir Aadan Cilmi ( Indho Qarshe) ayaa manta oo Axad ah sheegay iney aad u sii kordheyso awoodda ciidamada qalabka sida, ayagoo ku guuleystay in ay ka xureeyaan mintidiinta deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Sareeye Guud Daahir Aadan Cilmi oo la hadlayay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay Ciidanka Qaranka isku fidiyeen deegaanadii Al-Shabaab weerarka ka soo qaadi jireen si ay u dhibaateeyaaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uu ku sii daray in ay ciidanku hadda ay gacanta ku hayaan afar wado oo ay marin u aheyd argagixisada si aay ugu soo gudbaan Caasimada Muqdisho.

Taliyaha ayaa soo hadal qaaday weerarka dhawaan ka dhacay Magaaladda Awdheegle oo jab weyn lagu gaarsiiyay cadowga naf la caariga ah, waxa uuna cadeeyay taasi in ay tusaalle fiican u tahay awoodda ciidanka ee dalka oo aad u sii kordheeyso.

Ugu danbeyn waxa uu ammaan u soo jeediyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage uu xilka dhawaan maxadaxweynaha jumhuuriyada Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay.

Previous Post

Wax garadka Magaaladda Dhuusamareeb oo Qado sharaf u sameeyay qaar ka mida Ergada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ka qeyb galeysa.

Next Post

Gudoomiyaasha labada Aqal BFS oo Jabuuti kula kulmay Gduoomiyaha Baarlamaanka Djabuti.

Next Post
Gudoomiyaasha labada Aqal BFS oo Jabuuti kula kulmay Gduoomiyaha Baarlamaanka Djabuti.

Gudoomiyaasha labada Aqal BFS oo Jabuuti kula kulmay Gduoomiyaha Baarlamaanka Djabuti.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In