Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha Khawaarijta ku dhuumaalaysanayaan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha Khawaarijta ku dhuumaalaysanayaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabduaahi Aadan Xuseen (Cirro ), ayaa Shacabka ay afduubka u haystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Sidoo kale, Generaal Cirro ayaa shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka, ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo argagixisada dhiigyo cabka ah.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

” Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax haku darsanina Khawaarijtaas Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, Islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ahaan ayaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,” ayuu yiri Jeneraal Cirro.

Dhanka kale, Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah howlgalka guuleystay, ayaa ballan qaaday in mardhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

Previous Post

Somali National Army captures El-Garas town in Galgudud region

Next Post

Golaha Wakiilada KGS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska KGS

Next Post
Golaha Wakiilada KGS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska KGS

Golaha Wakiilada KGS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska KGS

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In