Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Xijaar oo ka waramay howlgalka Ciidanka ee lagu xaqiijinayo Amiga

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Taliye Xijaar oo ka waramay howlgalka Ciidanka ee lagu xaqiijinayo Amiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal kutalagal ah oo la doonayo in lagu xaqijiyo xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka kale ee dalka.

 

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Taliyaha Ciidanka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meel wanagsan ay marayaan howlgalada ciidanka ee la dagaalanka muqaadaraadka iyo kan samakaab ee ka socda caasimadda iyo guud ahaan dalka.

 

Taliye Xijaar ayaa caddeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay xoogga la saaray degmooyinka ay ku badan yihiin falalka xasilooni darada ah ,sidaa daraadeedna howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay in ka badan 4-boqol oo ruux.

 

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xusay in lagu guuleystay la dagaalanka  muqaaadaraadka,wuxuuna dhinaca kale codsaday in shacabka,gaar ahaan waalidiinta ay ciidanka kala shaqeeyaan amniga caasimadda iyo kan gobolada dalka.

 

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa u mahadceliyay guddoomiyaasha iyo taliyaasha ciidanka ee degmooyinka gobolka Banaadir,isagoo uga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga

 

 

Previous Post

Senator Xuseen Maxamed Oo Deeq Dawo ah Gaarsiyay Isbitaalka Dhimirka Ee Baydhabo

Next Post

Urur Goboleedka IGAD oo shir heerkiisu sareeyo ku qabtay Muqdisho

Next Post
Urur Goboleedka IGAD oo shir heerkiisu sareeyo ku qabtay Muqdisho

Urur Goboleedka IGAD oo shir heerkiisu sareeyo ku qabtay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In