Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 28–aad ee wareegga Saddexaad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Boondheere iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Boondheere iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Boondheere
Tartameyaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar suโaal, halka ay iska qaldeen Saddex suโaal, Waxa ay ka faaโiideysteen hal suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Bardaale, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boondheere ay heleen waxay noqotayย Toban (10) dhibcood.
Bardaale
Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar suโaal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen,ย sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Hadaba kulankii 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afar dhamaadka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 29-aad ee tartanka, waxaa ku loolami doonaan Degmooyinka Marka iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo. .
Afar degmo ayaa isugu soo hartay tartanka, kuwaasi oo kala ah Marka iyo Garbahareey, iyo sidoo kale Gaalkacyo iyo Boondheere












