Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo wareegga saddexaad ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Warta Nabadda iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Warta Nabadda iyo Baydhabo waxey noqotay sidan:-
Warta Nabadda
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Warta Nabadda, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Warta Nabadda ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).
Baydhabo
Tartamayaasha Degmada Baydhabo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ayna ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Warta Nabadda, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).
Hadaba kulankii 21aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga afaraad (Semi final) u soo gudbay tartamayaasha degmada Baydhabo ee gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 22aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kismaayo Vs Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.
Halkan ka dhageyso
Qeybta Koowaad ee Tartanka
Qeybta Labaad ee Tartanka