Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Boondheere oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 6aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Beladweyne Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Beladweyne Vs Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Beladweyne

Tartameyaasha Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, halka ay iska qaldeen labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Boondheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Beladweyne ay heleen waxay noqotay toban iyo labo (12) dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Beladweyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay toban iyo labo (12) dhibcood.

Tartamaayaasha labada degmo ayaa noqday isku dhibco, waxaana sida uu sharciga dhigayo lagu daray su’aalo dheeraad ah, iyadoo labadii su’aal ee la weydiiyay labada ay iska qaldeen, balse Tartamaayasha Beladweyne ayaa iska qalday su’aashii kale ee la weydiiyay, taasi oo keentay in dhigooda Boondheere ay ka faa’iideystaan su’aashii soo hareer martay Beladweyne, waxaana ay si toos ah uga jawaabeen tooda, halkaasi ayayna ku heleen 4 dhibcood.

“Beladweyne 12-dhibcood ayay la timid halka Boondheere ay la timid 16-dhibcood oo ay heshay afar dhibcood oo dheeri ah, wareegga xiga Boondheere ayaa u soo gudubtay”. Ayuu yiri Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange) oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo ku dhawaaqayay natiijada.

Hadaba kulankii 6aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka C/casiis iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo laamaha ammaanka faray xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Booliiska Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka fuliyay Howlgalo Wadajir ah oo Amniga lagu xaqiijinayo.

Next Post
Ciidamada Booliiska Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka fuliyay Howlgalo Wadajir ah oo Amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada Booliiska Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka fuliyay Howlgalo Wadajir ah oo Amniga lagu xaqiijinayo.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In