Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 22-aad ee wareegga 2aad ku tartamay degmooyinka Buula-burte  iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Buula-burte  iyo Kaaraan  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Buula-burte

Tartameyaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal,  Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buula-burte ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu dhigayo marka ay labada degmo noqdaan isku dhibco waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada degmo, oo midkood ay ugu gudubto wareegga xiga ee tartanka. Waxaana su’aalihii dheeriga ahaa ee lagu daray ay tartamayaasha Buula-burte ka jawaabeen su’aashii 8aad ee tartanka, halka tartamaayasha Kaaraan ay dhankooda iska qaldeen su’aashii dheeriga ahayd, sidaasna waxaa ay tartamaayasha Degmada Buula-burte ay la yimaadeen 12 dhibcood, halka Kaaraan ay heysato 10 dhibcood.

Hadaba kulankii 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 21-aad ee tartanka, kulankiisa 23-aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.

Sawir qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Wasiirka Duulista Hawadda oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Midowga Afirka ee Soomaaliya

Next Post

Sawirro: Wafdi ka socda guddiyada FEIT iyo SEIT Jubaland oo gaaray Ceelwaaq iyo doorashada…

Next Post
Sawirro: Wafdi ka socda guddiyada FEIT iyo SEIT Jubaland oo gaaray Ceelwaaq iyo doorashada…

Sawirro: Wafdi ka socda guddiyada FEIT iyo SEIT Jubaland oo gaaray Ceelwaaq iyo doorashada...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In