Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 8-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan  iyo Buur-hakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,  iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya,  halka ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Buur-hakaba

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba  ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Kaaraan, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buur-hakaba waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 8-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 50$  ka jawaabay Axmednuur Cabdulle oo jooga degmada Deyniile, kaasi oo ku guuleystay 50$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray qorshaha horumarinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In