Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii afar iyo tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Deyniile Vs Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay., waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Shingaani Vs Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareeer martay tartamayaasha Degmada Baydhabo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, iyagoo iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal suaal oo soo hareer martay Deyniile, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Baydhabo waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamaasha labada degmo ayaa isku mari waayay su’aalihii ay ku tartamayeen, waxaana ay la yimaadeen min lix dhibcood dood dheer kaddib tartamayasha Degmada Baydhabo ayaa jebiyay xeerka tartanka u degsan, maadaama ay dood ka keenen su’aal ka faa’iideysi ahayd balse markii laga qanciyay ay ku qanci waayeen.

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka hadlay tartanka ayaa sheegay in maadaama waqti dheeri ah loo baahday la isku dayay in la qanciyo tartamayaasha degmada Baydhabo, maadaama ay si qalad ah uga jawaabeen su’aashii ka faa’iideysiga ahayd, isla markaana ay ku xadgudbeen sharciga tartanka u yaalo ee dhanka anshaxa.

“Waxaan caddeynayaa markii aan kulan dheer ah qaadanay, oo tartamayaasha Degmada Baydhabo aan ku qancin waynay inay tartamayaan, maadaama tartanku uu ahaa mid bar baro ah, guddiga waxa uu go’aamiyay in dhibcihii tartanka lagu wareejiyay Tartamayaasha Degmada Deyniile” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga waxaa kaloo uu sheegay in jadwalka tartanka wax laga badalay, kaasi oo laga dhigay 9:30 pm halka markii hore uu ahaa 10:00 pm.

Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shan iyo tobnaad ee tartanka, isla markaana noqoneysa habeenka ugu dambeeya ee wareegga koowaad, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Kismaayo Vs Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Jubada Hoose iyo Galgaduud.

 

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay Madaxweyne Kenyatta “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka “Sawirro”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In