Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 16-aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Xudur iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Sanaag,  waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xudur iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026

Xudur

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Afar (04) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay tartameyaasha Xudur,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Lix iyo Toban (16)  dhibcood.

Hadaba kulankii 16-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Ciidamada xoogga oo howlgallo ka fuliyay Galcad iyo deegaanno hoostaga

Next Post

Senator Xasan Kobac oo kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka “SAWIRRO”

Next Post
Senator Xasan Kobac oo kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka “SAWIRRO”

Senator Xasan Kobac oo kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka "SAWIRRO"

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

The Government of Somalia has issued a statement regarding the attack on the Qatar Embassy in Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- The Federal Republic of Somalia expresses its profound concern over the damage sustained by the Embassy of the...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii safaaradda dowladda Qatar...

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab),ayaa maanta xarigga ka jaray Parking cusub oo casri ah oo...

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In