Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa saddexaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Xamarweyne iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne Vs Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar weyne

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Xamar weyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dharkeynleey iyo Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo markale dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa Liibiya

Next Post

Maamulka Gobalka Nugaal oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa “Sawirro”

Next Post
Maamulka Gobalka Nugaal oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa “Sawirro”

Maamulka Gobalka Nugaal oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa "Sawirro"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In