Saturday, December 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan
0
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Galmudug iyo Bakool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Tartamayaasha Gaalkacyo oo ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka

March 28, 2025
Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Tartamayaasha Marka oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

March 28, 2025

XUDUR

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool  waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar  su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Lex (6) dhibcood.

DHUUSAMAREEB

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug  waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Todobadii Su’aalood ay la weediiye iyo Labo Su’aal oo soo hareermartay Degmada Xudur, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen dhankooda,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Sideed (18) dhibcood.

Sidaas darteed tartamayaasha Dhuusamareeb waxa ay heleen 18 dhibcood, halka Xudur ay la yimaadeen 6 dhibcood, sidaas ayayna ugu soo gudbeen Dhuusamareeb wareegga xiga ee tartanka.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galmudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamar-iyo Garbahaaree oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

Previous Post

 Wasiirka Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Doodda cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo maanta la bilaabay “SAWIRRO”

Next Post
Doodda cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo maanta la bilaabay “SAWIRRO”

Doodda cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo maanta la bilaabay "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka...

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland Dalal iyo ururro...

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya Qoraal kasoo baxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In