Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad  ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Yaaqshiid  oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee  Dhuusamareeb iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

February 17, 2026
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

February 17, 2026

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen  Afar su’aal,  balse waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Yaaqshiid, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid  ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideesteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Dhuusamareeb, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid  waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb  ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ayaa waxaa ka jawaabay  Munasar Maxamed Cabdullaahi oo joogay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho,, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo la afuray qeybaha bulshada ee degmada Kaaraan “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka jubbaland oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka jubbaland oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

February 17, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Ururka Bulshada Bariga Afrika...

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

February 17, 2026
0

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo Taalada ah booqasho rasmi ah ku imaanaya Magaalada Addis Ababa, ee...

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

February 17, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In