Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 17-aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Jowhar iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Jowhar

Tartameyaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jowhar ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartameyaasha Jowhar,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 17-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 18-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan maalgashiga dalka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta ka xoreeyay magaaladda Galcad

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta ka xoreeyay magaaladda Galcad

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta ka xoreeyay magaaladda Galcad

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In