Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 8aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Shangaani Vs Hodan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Shangaani Vs Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Shangaani

Tartameyaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Shangaani, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Hodan

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Shangaani, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay toban iyo labo (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Jowhar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxwaynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Next Post
Madaxwaynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxwaynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In