Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Hodan oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Hodan oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 6-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Hodan  iyo Ceelbuur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka  Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal, su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay  heleen tartameyaasha Hodan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay  Labo iyo Toban (12)  dhibcood.

Ceelbuur

Tartamayaasha Degmada Ceelbuur  ee Gobolka Galgaduud oo ah markii ugu horeysay ebad ee ay tartanka ka soo qeybgalaan, waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar, su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceelbuur waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 6-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo noqotay degmadii ugu horeysay ee Gobalka Banaadir ah ee wareegga 2aad u gudubta inta uu tartanka socday, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ka jawaabay Shariif Sheekh Yuusuf oo jooga degmada Boondheere, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 7-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Waaberi iyo Buula-burte oo ah tartameyaasha ku guuleystay tartanka sanadkii tegay, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Kulan duco iyo Qur’aan akhris oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

Next Post
Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka...

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Turkey):- Xoghayaha Joogtad ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminaya wafdi ka socda...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ah ee KGS oo soo magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In