Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Hodan oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Hodan oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 6-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Hodan  iyo Ceelbuur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka  Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal, su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay  heleen tartameyaasha Hodan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay  Labo iyo Toban (12)  dhibcood.

Ceelbuur

Tartamayaasha Degmada Ceelbuur  ee Gobolka Galgaduud oo ah markii ugu horeysay ebad ee ay tartanka ka soo qeybgalaan, waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar, su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceelbuur waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 6-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo noqotay degmadii ugu horeysay ee Gobalka Banaadir ah ee wareegga 2aad u gudubta inta uu tartanka socday, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 30$ ka jawaabay Shariif Sheekh Yuusuf oo jooga degmada Boondheere, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 7-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Waaberi iyo Buula-burte oo ah tartameyaasha ku guuleystay tartanka sanadkii tegay, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur 

Previous Post

Kulan duco iyo Qur’aan akhris oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

Next Post
Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

Duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarrinta dhaqaalaha Caasimadda

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In