Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 14-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Xudur iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Banaadir,  waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Xudur iyo Kaaraan  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Xudur

Tartameyaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Kaaraan.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xudur ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Xudur,   sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Hadaba kulankii 14-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 15-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Hodan iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug.

Sawir Qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Muxuu RW Rooble caawa kala hadlay gudoomiyeyaasha KMG ah ee BF?

Next Post

Xildhibaanada cusub ee labada Aqalka BJFS oo maanta kulmaya

Next Post
Xildhibaanada cusub ee labada Aqalka BJFS oo maanta kulmaya

Xildhibaanada cusub ee labada Aqalka BJFS oo maanta kulmaya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In