Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb Vs Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taabagelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Dhuusamareeb
Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Kaxda
Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay Dhuusamareeb, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka ka reebeen dhigooda Dhuusamareeb, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen aqoonta ay ku tartameen.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka C/casiis iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.