Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 10-aad ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Jubbada Hoose. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda iyo Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Kismaayo,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Afar (04) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal , halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dhuusamareeb,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 9-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 10-aad ee tartanka, waxaa ku loolami doona kulankiisa 11-aad Degmooyinka Shangaani iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Hiiraan.

Sawir Qaade:- Ciise Mukhtaarr

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In