Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 7aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs C/casiis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs C/casiis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen afar su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada C/casiis, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.
C/casiis
Tartamayaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, dhamaan su’aalihii la weydiiyay ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen tartamaayaasha Degmada C/casiis, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed tartameyaasha Degmada C/casiis waxay noqotay degmadii ugu horeysay taariikhda tartanka inta uu socday ee eber la timaado (0).
Hadaba kulankii 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Shangaani iyo Hodan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.