Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudubtay wareegga saddexaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudubtay wareegga saddexaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa sagaal iyo Tobnaad oo ah wareegga labaad kulankiisa 4aad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kismaayo Vs Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

January 8, 2026
Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Hodan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hodan

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaatanaad ee tartanka, waxaa isku doona, tartamaayasha degmooyinka Jowhar Vs Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud..

Previous Post

Ra’iisul wasaare Khayre Oo Saaxiibada Caalamka Kala Hadaly Dardar Gelinta Gurmadka Qardho

Next Post

Hishiis laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug.

Next Post
Hishiis laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug.

Hishiis laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

Taliyaha ciidanka Booliska oo guddoomiyey shirka taliyeyaasha

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Banaan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

The Federal Government of Somalia clarifies WFP warehouse allegations

January 8, 2026
0

The Federal Government of Somalia has taken note of the statement issued by the United States Department of State regarding...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In