Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Laascaanood iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Laascaanood

Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Sideedx (08) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu qabo marka labo degmo ay wadartooda dhibcaha noqdaan isku mid, waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo loo helo hal degmo oo ku guuleysata tartanka

Su’aalihi dheeriga ahaa ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamaayasha Xamarweyne ee Gobalka Banaadir waa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay balse Laascaanood iyana kama aysan faa’ideysan , Balse tartamayaasha degmada Laascaanood waxa ay ka jawaabeen su\aashii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay, sidaas ayayna caawa ugu guuleysatay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka markii ugu horeysay oo ay ka qeybgaleen.

Hadaba kulankii 32-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka caawa waxaa ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sanadkan waxaa kaalinta 1-aad galay tartameyaasha degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana kaalinta 2-aad ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halka kaalinta 3-aad ee sanadkan ay ku guuleysteen tartameyaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud..

Previous Post

Waa kuma Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.?

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In