Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 28-aad ee wareegga afar dhamaadka (Semi final) ayaa waxaa ku tartamay degmooyinka Kismaayo iyo Marko oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo SHabeelaha Hoose. waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo iyo Marko ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaas darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.
Marko
Tartamayaasha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marko waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.
Hadaba kulankii 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah ee tartanka (final) u soo gudubtay tartamayaasha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 27-aad ee tartanka, kulankiisa 29-aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Buula-burte iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.
Labada tartame ee habeen dambe degmadii soo baxda waxa ay waji doontaa dhigooda Marko oo soo tigsatay sanadkan kulanka kama dambeysta ah ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.