Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Shibis oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Shibis oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka sideed iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Heliwaa Vs Shibis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Shibis, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Shibis

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah  oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Guddiga ayaa dib u saxay su’aashii lixaad tartanka ee la weydiiyay Tartamayaasha Degmada Shibis, taasi oo ahayd cayaaraha dalka, waxaana guddiga go’aamiyay in jawaabtii ay bixiyeen Shibis ay noqotay mid sax ah sidaasina lagu siiyay labada dhibcood.

Sida uu sharciga qabo waxaa lagu daray suaalo dheeri ah, Heliwaa ayaa la timid labo dhibco oo kaliya, taasi oo ka dhigan inay heleen 8 dhibcood, halka Shibis ay la timid 6 dhibcood, oo u dhiganta hal su’aal oo ay ka faa’iideysteen iyo labo xabo oo ay saxeen dhankooda. waxaana wadarta guud ee Shibis ay noqotay 12 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Heliwaa ay isaga hartay tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka sagaal iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Xamar Jajab Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Sawir Qaade:- White-ka

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Next Post

Guddiga Maaliyada Golaha shacabka oo la kulmay Madaxda Bangiga dhexe

Next Post
Guddiga Maaliyada Golaha shacabka oo la kulmay Madaxda Bangiga dhexe

Guddiga Maaliyada Golaha shacabka oo la kulmay Madaxda Bangiga dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In