Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 7-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Buula-burte iyo Waaberi oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Buula-burte iyo Waaberi ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Buula-burte
Tartameyaasha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar, su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Waaberi, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buula-burte ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.
Waaberi
Tartamayaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Buula-burte, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Waaberi waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.
Hadaba kulankii 7-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd 50$ ka jawaabay Axmednuur Cabdulle oo jooga degmada Deyniile, kaasi oo ku guuleystay 50$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 8-aad ee tartanka, waxaa jiri doona labo tartan, qeybta hore waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaaraan iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, halka qeybta 2-aad ay ku loolami doonaan degmooyinka Gaalkacyo iyo C/Casiis ee Goballada Mudug iyo Banaadir.
Sawir qaade: Khadar Cali Nuur