Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha degmada Wadajir oo xalay u soo gudbay wareega xiga tartan cilmiyeedka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa xalay tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Buuhoodle Vsa Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa xalay dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Buuhoodle iyo Wadajir   iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Buuhoodle iyo Wadajir waxey noqotay sidan:-

Buuhoodle

Tartamayaasha Degmada Buuhoodle sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Labo su’aal oo waxa ay iska qaldeen Shan su’aal,  halka ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Wadajir, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Buuhoodle ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal,  halka ay iska qaldeen afar su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysi u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Buuhoodle, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Wadajir ka dhigeysaa inay heleen 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Hadaba kulankii 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka xalay waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Caawa oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaaraan iyo Jawiil oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan.

Halkan ka dhageyso

Qeybta Koowaad tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Qeybta-koowaad-ee-TARTANKA-CAAWA-30-06-2015.mp3

Qeybta Labaad ee tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Qeybta-labaad-ee-TARTANKA-CAAWA-30-06-2015-.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose “SAWIRRO”

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In