Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu horeeyay oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Waaberi VS Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Waaberi VS Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon.

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Waaberi, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Sida sharciga qabo, marka ay tartamaayasha isku mari waayaan xagga dhibcaha oo ay noqdaan bar baro, guddiga waxa uu ku daraa tartanka su’aalo dheeri ah oo la doonayo in lagu kala saaro cidda u soo gudbaysa wareegga labaad ee tartanka.

Hadaba min hal su’aal oo lagu daray tartamayaasha Degmada Waaberi waxa ay isak qaldeen su’aashii la weydiiyay, halka tartamayaa degmada Xamar Jajab ay heleeleen su’aashii dhankooda ahayd. Taasi oo ka dhigan in Waaberi ay la timid 6-dhibcood oo qura, Halka tartamayaasha Xamar Jajab ay heleen 8 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaad ee tartanka, waxaa ku tartamaya, tartamaayasha degmooyinka Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag iyo,Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Waxbarashada iyo Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo si wadajir ah u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In