Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 15aad ahna kulanka ugu dambeeya ee wareegga koowaad ku tartami lahaa Degmooyinka Garoowe Vs Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Ma’da ayaa sheegay in tartamayaasha Degmada Garoowe aysan soo gudbin wax cudurdaar ah, isagoo intaa ku daray in sida sharciga tartanka dhigayo degmadii 24 saac kahor wax cudurdaar ah la imaan weyso in laga wareejinayo dhibcaha, waxaana caawa si fudud wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Intaas kadib tartankii caawa waxaa laga dhigay mid u furan dadweynaha, iyagoo qadka teleefonka kaga qeyb qaadanayay, isla markaana nasiib u yeeshay inay tartanka ka qeyb galaan oo ay su’aalaha ka jawaabaan..

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulankiisa koowaad ee wareegga Labaad degmooyinka Buur hakaba iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur

Previous Post

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug oo magacaabay saraakiil cusub

Next Post

Akhriso isku aadka wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post
Akhriso isku aadka wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Akhriso isku aadka wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In