Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dharkeynleey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Dharkeynleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynleey waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaq iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Baay.

Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In