Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

February 2, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dharkeynleey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Dharkeynleey

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynleey waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaq iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Baay.

Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

February 2, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In