Monday, October 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Gaalkacyo oo ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 31-aad ayaa waxaa Kaalinta 3-aad  ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Mudug. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Gaalkacyo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday, waxaana degmadii badisa ay u gudbeyso kulanka kama dambeysta ah ee tartanka.

Related posts

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

October 26, 2025
Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

October 26, 2025

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay  Sideed (08) dhibcood.

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aa, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Garbahaareey,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa Kaalinta 3-aad ku guuleystay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 32-aad ee tartanka, waxaa tartanka kama dambeysta ah (Final) ku loolami doona degmooyinka Boondheere iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Shabeellaha Hoose.

 

Previous Post

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo hirgelisay Mashruuca qeybinta Zakada Fidriga ee 1446H 

Next Post

NISA oo kaashanaysa ciidanka xoogga dalka ayaa duqayn ku dishay in ka badan 21 khawaarij ah

Next Post
Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafaya.  Sidoo kale, gaadiid dagaal ayaa Khawaarijta looga gubay howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.

NISA oo kaashanaysa ciidanka xoogga dalka ayaa duqayn ku dishay in ka badan 21 khawaarij ah

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

October 26, 2025
0

RADIO MUQDISHO(CADALE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha...

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

October 26, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar...

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

October 26, 2025
0

R ADIO MUQDISHO:-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In